Run Sheek
23/11/2019
: Qarax lagu soo dhajiyay gaari ayaa ka dhacay Agagaarka isgoyska soobe ee muqdisho.
29/10/2019
Ahlusunna oo soo bandhigtay nuqul kamid heshiiskii h**e ay ula galeen Dowladda.
DEG DEG:Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb Ayaa la xaqiijiyay inay rasaas ku fureen Xarunta Inji oo ay degan yihiin Madaxda Sare ee Ahlusunna Waljameeca iyo Guddigii Doorashada Galmudug ee uu Magacaabay Sheekh Shaakir.
ilaa hadda lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Rasaastaas mana jirto masuul ka Tirsan labada dhinac oo arintan ka hadlay .
24/10/2019
kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusamareeb iyo Sh. Shaakir oo go,aan culus qaatay
Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Gudiga Doorshada iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay.
Sheekh Shaakir oo Khudbad u jeediyay Guddiga ayaa ka codsaday in ay dardargaliyaan howlaha loo xilsaaray ee ku aadan doorashada maamulka Galmudug , islamarkaana laga doonaayo in ay soo xulaan baarlamaanka Galmudug.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in Glmudug loo dhiso maamul ay dadkeeda u dhan yihiin, isla markaana laga Aas’aaso Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya garab istaagto.
Dhinaca kale waxaa xalay kulan isugu yimid Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah bulshada Dhuusamareeb, waxaana kulanka uu ahaa mid Guddiga lagu taageerayay.
Cabduqaadir Nuur Caraale oo kamid ah Xubnaha Guddiga Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono Bulshada Galmudug,isla markaana xildhibaannada ay kusoo xuli doonaan qofkii buuxiya Shuruudaha.
Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna ayaa xilligaan waxaa ka dhexeeya khilaaf xoogaan, kaasi oo ka dhashay guddiga farsamada ee dhismaha maamulka galmudug, maadaama dowladda ay gudi magacowday, halka madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir uu maalin ka hor uu ku dhawaaqay guddigga doorashada maamulka Galmudug.
Ahlusuna ayaa diidan in Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ay ka soo dagto diyaard sida wafdi ka socda dowladda, xaalka garoonka ayaa ah mid cakiran.
Click here to claim your Sponsored Listing.