Mustaqbal Tech
29/07/2025
Waa maxay Firewall?
Firewall waa qalab ama software lagu ilaaliyo shabakad (network) si looga hortago in xog aan la oggolayn soo gasho ama baxdo.
Si fudud:
Firewall-ku wuxuu u shaqeeyaa sida ilaaliye albaabka oo kale — wuxuu baarayaa dhammaan waxyaabaha galaya iyo baxaya shabakadda wuxuuna go’aansadaa waxa la oggol yahay iyo waxa la xannibayo.
Noocyada Firewall-ka:
1:Hardware Firewall – Qalab dibadda laga soo xirayo sida router.
2:Software Firewall – Barnaamij kombiyuutarka laga rakibo.
Tusaale:
•Haddii aad internetka isticmaalayso oo aad rabto in aad ka ilaaliso weerarada (hackers), firewall-ka ayaa kaa caawinaya in uu joojiyo isku dayadaasi.
Ujeedada ugu weyn:
•In laga hortago weerarada cyber-ka (cyber attacks)
•In la xakameeyo taraafikada shabakadda
•In la ilaaliyo xogta gudaha ah
25/07/2025
Waa maxay router?
Router waa qalab networking ah oo isku xira shabakado badan (tusaale: laba ama in ka badan oo LAN ah) si ay xog isugu gudbiyaan. Waxa uu go’aamiyaa jidka ugu fiican ee xogtu u mari lahayd meel laga soo diray ilaa ay ka gaarto halka loo socdo.
Si fudud:
Router-ku waa sida kontoroolaha waddada ee internet-ka — wuxuu hagaa xogta (data) si ay u gaarto ciwaanka saxda ah.
⸻
Shaqooyinka ugu waa weyn ee router:
1:Isku xirka shabakado kala duwan (sida internet-ka iyo gurigaaga Wi-Fi-ga).
2:Qaybinta cinwaanada IP-ga (mararka qaar wuxuu DHCP server noqdaa).
3:Hagidda xogta iyadoo la adeegsanayo routing table.
4:Badbaadinta amniga (wuxuu leeyahay firewall ama access control).
Tusaale:
•Marka aad smartphone kaaga ku isticmaasho Wi-Fi guriga, router-ka ayaa xogta u dira internet-ka oo dibna u keena jawaabta.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu