Isack carab

Isack carab

Share

14/06/2025

Waa maxay dowlad wanaagsan ?

Dowladnimo wanaaga waa habka ay dowladuhu u maamulaan si hufan, daahfuran, caddaalad leh, isla markaana ku saleysan sharciga, rabitaanka shacabka, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Dowladnimo wanaaga waa tiir muhiim u ah horumarka, nabadda, iyo dowladnimada waarta.
Qodobbada ugu muhiimsan ee dowladnimo wanaaga ka mid ah:

• Sharciga u hogaansanaan (Rule of Law)
– In dhammaan dadka, madaxda iyo shacabka labadaba, ay sharciga u siman yihiin, laguna dhaqmo si caddaalad ah.

• Daahfurnaan (Transparency)
– In shacabka loo sheego go’aannada muhiimka ah iyo habka loo gaaray, lagana helo xog dhab ah oo ay fahmi karaan.

• La xisaabtanka (Accountability)
– In madaxda iyo hay’adaha dowladda lagu xisaabtamo go’aannadooda iyo waxqabadkooda.

• Ka qaybgalka shacabka (Participation)
– In muwaadiniintu helaan fursad ay kaga qayb qaataan go'aan qaadashada, sida doorashooyin xor ah ama goleyaal deegaanka.

• Cadaalad iyo sinaan (Equity and Inclusiveness)
– In dhammaan bulshada qaybteeda la siiyo xuquuq siman oo aan cid gaar ah loo eexan.

• Maqnaanshaha musuqmaasuqa (Anti-Corruption)
– In si adag loola dagaallamo musuqmaasuqa, lana xoojiyo hay’adaha dabagalka iyo garsoorka.

• Helidda adeegyo tayo leh (Effective Service Delivery)
– In dowladda ay si wanaagsan u gudato adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga.

• Xasilooni siyaasadeed iyo nabad (Political Stability and Peace)
– In si nabad ah loo maamulo kala aragti duwanaanta, lagana hortago rabshadaha iyo qalalaasaha.

Ujeeddada dowladnimo wanaaga:
In la helo dowlad si hufan u adeegta dadkeeda, lagu kalsoonaan karo, shacabka u horseeda horumar, kuna shaqeysa dan guud oo ka sarreysa dan gaar ah

FG - Intaan hadii la waayo majirto wax diidaya inuu dhaco kacdoon dadweyne iyo dhalinyaro si uu isbadal udhaco dhanka maamulka oo hogaan wanaagsan loo helo

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address

Mogadishu