Hufnaan Media

Hufnaan Media

Share

04/02/2026

Tiirarka Diinta:
1) Caqiido
2) Shacaa'ir (salada, soonka, xajka..)
3) Axkaam (xalaal, xaaraan iyo waajibaad.
4) Akhlaaq: dad la dhaqanka.

Sadexda tiir ee h**e diimuhu way ku kala duwanaan karaan kolka laga reebo rumaynta "khaaliqa" oo diimaha oo dhami isla ogolyihiin. Mase jirto diin bilaa caqiido, shacaa'ir iyo axkaam la'aan ahi.

Tiirka 4aad (akhlaaq) diimuhu kuma kala duwana. Akhlaaqdu waa shay caalami ah oo aadmiga mideeya. Ma jirto diin ogol beenta, dilka xaq-darrada ah, cadaalad la'aanta, naxariis la'aanta, amaana la'aanta, kufsiga iyo wlm. Waa sababta uu SUUBANAHU, Scw, u yiri "waxaan u imid dhamays tirka Akhlaaqda wanaagsan". (بعثت لأتمم مكارم الأخلاق)

Wuxuu qirayay Suubanuhu scw in hortiis akhlaaq wanaag jiri jiray ee asagu aanu eber ka bilaabin. Intiina akhrisatay ama dhageysatay Siirada Nabiga, scw, waxaad ogtihiin inuu jiray heshiis ka dhacay Makka oo odayaasha Quraysh ku go'aamiyeen inaan Makka qof aan u dhalan ee qariib ku ah lagu dhex dulmin karin. Heshiiskaas oo Nabigu, scw, kamid ahaa saxiixayaashiisa intaanu Nabigaba noqon, ayuu Nabigu, scw, waa dambe oo Madina uu joogay yiri "hadeer oo Nabi aan ahay hadii mar kale la qaban lahaa "حلف الفضول" (magaca heshiikii dhacay xilligii Jaahilyada), waan ajiibi lahaa oo ka qayb geli lahaa.

Hadaynu Somali nahay tiirarkaas diinta ee afarta ah midka aynu ka arradanahay ee gabi ahaanba aynu saboolka ka nahay, maqnaashihiisu dawlad la'aanta iyo gaajadana nagu jirabay waa tiirka afraad; "akhlaaqda". Waxaynu nahay umad caqiido fiican, Muslin ahayd fac ka fac. Soonka, salaada, xajka, cimrada, dhismaha masaajida, xijaabka iyo Quraan xifdiga ku wanaagsan. Umad ka dheeraata cunista cuntooyinka lafa ahaantooda la xarimay sida doofaarka, eyga iyo xoolaha aan gawrac sharci ah ku dhicin, neceb cabista khamriga.

Lkn dhinaca akhlaaqda zero waan ka hoosaynaa! Tusaale: Somalidu doofaarka ma cunto lkn dhib uma arkaan lacag xaaraan ah inay hilib ari ku cunaan! Ilaahay agtiisa se mida dambe ayaa dhib badan. Waayo akhlaaq ahaan ayuu khaladanyahay oo qof kale ama umad xoolahood baa sharci daro ku cunaynaa! Taariku salaadka waan takoornaa. Balse dilaaga, kufsadaha, laaluush qaataha, eex sameeyaha, been hawaasku bulshaday ka mid yihiin. Ceeb uma aragno! Qabyaalada ayaa ah qodobka ugu daran ee akhlaaq xumada ah nagana hor taagan dawladnimo iyo karaamo ku noolaasho.

Wadaadada Somalidu waxay ku dedaalaan caqiidada, shacaa'irta iyo axkaamta inay bulshada kala hadlaan. Akhlaaqda oo ah qodobka aynu ugu baahida badanahay aad uguma mashquulaan. Waxaase kaba sii daran in wadaadada Somaliyeed, intooda badan, qodobkaas akhlaaqda way ku sidbadaan. Waxaad arkaysaa wadaad khudbada jimcaha kaga hadlaya xuquuqda deriska. Hadana, isla asagii baa deriska ku dhibaataynaya makarafoonka masaajidka oo aan u aaba yeelayn ruux hurda, mid xanuunsan, mid wax akhrisanaya iyo mid tukanayaba! Waxaa kaloo ka sii daran hadii wadaad Somaliyeed la dhaliilo oo qaladkiisa loo sheego, wuxuu ka dhigayaa in diintii la dhaliilay oo la gaaloobay!!! Haday dawadii bukooto, maxaa lagu dabiibaa!?

"وإنك لعلى خلق عظيم."

Xigasho.

01/02/2026

"Diyaaraddii oo Hawada mareysa ayaa lasoo celiyey waa fal dambiyeed iyo isku day dil oo laga xisaabtami doono"

Saciid Deni oo ka hadlay diyaaradihii ciidanka ee ay celisay Dowladda Soomaaliya.

31/01/2026

"Waxaan kufaraxsanahay in wiilal Muqdisho ka yimi halkan yimaadeen oo ay maalgaliyeen, iyagoo cabsi dareemeyn” Madaxweyne Xassan Sheikh oo ka hadlayay Shabeeley,Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Mogadishu?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address


KM4 Street
Mogadishu