Engineering and Computer Technology Students Union - ECSU -SIU
03/01/2026
THE FECT Commerce Expo 2026
Xarunta Dhexe ee Jaamacadda SIU waxaa galabta ka qabsoomay Bandhigga Ganacsiga ku tiirsan tiknolojiyada (𝐅𝐄𝐂𝐓 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐞𝐫𝐜𝐞 Expo 2026) oo ay samaynayeen ardayda kujirta sannadka saddexaad ee waxbarashada jaamacadda ee Kulliyadda Injinneeriyada iyo Culuumta Tiknolojiyada ee Jaamacadda SIU.
Ardayda oo afar kooxood u qeybsan ayay koox walba soo bandhigtay hal-abuur waxku-ool ah oo ay waqti badan geliyeen.
Bandhiggan waxaa goobjoog ahaa maamulka Jaamacadda SIU, macallimiin, arday iyo martisharaf kale.
Maamulka Sare ee uu Hogaaminaayo Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Dr Maxamed Cali Ismaaciil iyo Ku Xigeenada Maamulka Jaamacadda ayaa booqasho ugu tagay Ardayda Civil Engineering ee Sanadka 3aad Xarunta Farsamada Xayle Bariise.
Ardayda CEN5FT ayaa qaadanaayay xirfado kala duwan iyagoo ay halkaas kuso bandhigeen aqoontii iyo xirfadahii ka bartaan xarunta xayle bariise.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the university
Telephone
Website
Address
Mogadishu