Tusmo Foundation
22/10/2025
Warbixin Kooban: Kulan Wadahadal Bulsho oo Ku Saabsan Doorka Ururka Macallimiinta ee Horumarinta Mushaharka iyo Miisaaniyadda Waxbarashada
Maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 23-ka Oktoobar 2025, magaalada Muqdisho, Soomaaliya, ayaa lagu qaban doonaa kulan muhiim ah oo lagu falanqeeyn doorka ururka macallimiinta ee iskaashiga dowladdu ku leedahay horumarinta mushaharka macallimiinta iyo ballaarinta miisaaniyadda waxbarashada.
Kulanka waxaa soo agaasimay Tusmo Foundation, iyadoo ay garab taagan yihiin hay’adaha Education For All Somalia (EFASOM), Oxfam Danmark, iyo Education Out Loud (GPE).
Ujeeddada kulanka ayaa ah in la xoojiyo wadahadalka bulshada si loo dhiirrigeliyo wada shaqeyn wax ku ool ah oo u dhaxeysa ururka macallimiinta iyo dowladda, taas oo gacan ka geysan doonta kor u qaadidda tayada adeegyada waxbarashada dalka.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa hawsha Activity 3.1.1.3, oo lagu qabanayo dood furan si loo falanqeeyo mudnaanta waxbarashada loona soo jeediyo talooyin ku saabsan qorshaha miisaaniyadda cusub.
⸻
Goobta: Muqdisho, Soomaaliya
Taariikhda: 23-ka Oktoobar 2025.
09/03/2024
Bahda Samafalka Foundation waxey Hambalyo iyo bogaadin u diraayaan Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobalka Banaadir Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Xasan oo ka mid noqday 100ka qof ee ugu hoggaanka wanaagsan sanadkii tegay ee 2023.
Joornaalka Somali Leadership Magazine- Somalia oo ka faallooda hoggaanka suuban ayaa u gartay Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Xasan, waana mudanyahay hambalyo hambalyo.
Foundation .
21/02/2024
Qaar ka mid ah howlwadeenada Tusmo Foundation ayaa ka qeyb galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo ka dhacday Xarunta AGA
07/02/2024
Agaasimaha Guud ee .Mohamed Isse Mohamed (Mr.dii) ayaa ka qeyb galay Training Workshop oo looga hadlaaye “EDUCATION FINANCING OBSERVATORY TECHNIQUES” oo ay soo agaasintay Efasom Somalia iyo hay,ada Iftin Foundation . Kaas oo socday mudo 2maalin ah.
Efasom&Iftin Foundation
.com
Click here to claim your Sponsored Listing.