Dhamees

Dhamees

Share

Photos from Somali National Football Team's post 16/05/2026

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa maanta qado-sharaf iyo dhiirrigelin u sameeyay Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirada, kuwaas oo isku diyaarinaya tartanka CECAFA U-17 Women’s Championship ee bisha June ka dhacaya dalka Tanzania.

Taliyaha ayaa sidoo kale guddoonsiiyay ciyaartooyda abaalmarin lacageed oo lagu xoojinayo niyaddooda iyo diyaar garowgooda tartanka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dahabo Suusow, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cali Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan guddiga fulinta iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Taliyaha taageerada iyo dhiirrigelinta uu u muujiyay gabdhaha xulka qaranka, isagoo sheegay in tallaabadan ay sare u qaadayso kalsoonida iyo hamiga ciyaartooyda matalaya magaca Soomaaliya.

Want your business to be the top-listed Engineering Company in Hodan?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

https://www.instagram.com/dhamees.so?igsh=dzZ6MnV4aXYzaGNn&utm_source=qr

Address

Hodan
Hodan