Aw-Kaabe

Aw-Kaabe

Share

18/06/2026

" Sidee ayaad noloshaada usii wadan kartaa, kolka aad maqasho aabo reer Qaza ah, oo gurigii uu ku noolaa lagu duqeeyay oo burburka hoostiisa ku jira, in uu ciidamada badbaada ka baryay in aanay badbaadin? K**a aha in uu nolosha ka quus dhigay, ee burburka hoostiisa ayuu ka maqlayay neefsashadii u danbaysay ee hablihiisa yar yar, gacmahooda yar yari-na waxa ay ku sii dheganaayeen gacantiisa"

Emeila, weriye reer galbeed ah.

Ilaahay ka bari mawqifkaa mid lamid ah in aanu ku soo marin, walaalahaana dhibatada iyo kurbada haysata ilaahay ha ka dul qaado.

—Jacfar yuusuf

17/06/2026

Ma jirto dawlad jecel in dalkeeda lagu soo duulo ama dawlad shisheeye kula dhex dagaalanto. Dawladna ma jecla burburkeedu inuu gundeheeda ka bilaabmo kuna dhamaado. Laakiin waayadan harumarka casriga iyo tiknoloojidda la gaadhay awgeed waxaa la ogaaday in labada dawladood ee dagaal dhexmaro ay labaduba khasaarayaan burburayaan, sidoo kale dhibaato aan la ilaabi karin mid walba dhaxli karo. Hadaba labada is yar qabataba ama is khilaafaa waa inay leeyihiin wax ay isku khilaafeen oo dagaal ka dhalan karo. Sida siyaasad dhul dhaqan iwm..

Labada dal ee turkiga iyo isriil iskuma dhacaan oo waxaa la sheegaa turkigu in ay NATO xiniiyaha hayso, gumaystaha isriilna ay noqotay mas kayn ku koray oo laf wax jebisa yeeshay. Labaduba waa inay helaan meel dal garoon ay ku dagaalamaan oo midba midka kale ku tijaabsado. si loo ogaado libaaxa kaynta maamula waa in Soomaalida dhexdooda laga noqdo laba qabqable oo aan tudhaale iyo naxariis lahayn. Marka h**e waa in shaki lakala dhex geliyaa qabiilooyin dad ood wadaag ah. Dabadeed h**e loogu socdaa ilaa caqiidooyinkooda iyo diintooda shaki lakala dhex galiyo. Ugu dambayn gacmaha waxa isa saaraya laba soomaali ah oo sita labada dal hubkoodii. Kadibna way daawanayaan ilaa dhammaadka, Yaa calaf qaaday? Ma soomaaliga mise Turkiga aan dagaalka gelin? Kee guulaystay ma Soomaaliga mise yahuudi nacdal ah hubkiisa?

Naxariista aynu is tusi waynay ma shisheeyaanu ka helaynaa.

12/06/2026

خطبة الجمعة:
"لما ذا تأخر المسلمون وتقدم غيرهم!؟"
عبد الرحمن الكواكبي (1855-1902)

Weydiin boqol jirsatay, welina warcelin iyo jawaab la sugayo.

يا أَيُّهَا الَّذينَ آمَنوا توبوا إِلَى اللَّهِ تَوبَةً نَصوحًا عَسى رَبُّكُم أَن يُكَفِّرَ عَنكُم سَيِّئَاتِكُم

(Mu'miniintaay, Allaah u noqda si dhab ahna ugu noqda. In uu idin saamaxayaa waa hubaal e')

Toban qarni kahor baa Muslimiintu, falaasifadii iyo saynisyahanadii u kacay indhaha ka rideen, xabsiyada dhigeen, arlada ka eryeen, qaarna laayeen. Kutubtii ay qoreena dab qabadsiiyeen! Tacliin maadi ah oo dhana dagaal ku qaadeen! Arladii waxaa u haray wadaado caamada wacdin karta oo aakhira un uga sheekeeya, wax kale se aan dunida ku soo kordhin karin! Wax kale iska daaye, Muslimiinta oo ah umada ugu badan ee maanta ayadu is disha, kolkay u baahdaan hub ay isku dilaan, reer Galbeedka iyo Shiinahay ka doontaan. Lacag fara badan oo adagna laga soo siiyaa! Mar marna lagu sadaqaystaa maadaama hawl nacfi u leh cida hubka samaysatay ay ku qabanayaan! Agabka kale ee nolosha iyo daawada warkooda iskaba dhaaf, oo dalalka sameeyay ayaanu ka door-dooranaa ee anagu ma samaysan karno! Hadhowna, qunuudkaanu gaalada ku inkaarnaa!! Mid baa hada kahor yiri: qunuudkaas Allihii aan naga aqbalin mahad baa u sugnaatay".

Muslimiinta oo ku fashilmay hindisida iyo hal-abuurka dawlad wanaaga iyo nidaam nololeed cilmi ku dhisan, kadib markay caqligiiba la dirireen, xitaa kolka ay is laayaan, labadii is dishaaba Yurub iyo America ayay u wada qaxaan oo nolol, amni iyo aqoonba ka doontaan! Muslimiinta Suuriya ee ayagu is laayay uma cararin Sacuudiga oo xuduud la leh, Muslin na ah, ee Jarmalkii ay qunuudka ku inkaari jireen iyo Yurub ayay tiigsadeen!

Diinteena Islamku waxay na amartay ka-tawbad keenida dambiyada waaweyn. Si dambiyada waaweyn looga tawbad keenana, kow, waa in dambiga faraha lagala baxaa (الإقلاع عن الذنب) labo, waa in la go'aansadaa in aan dib loogu noqon (العزم على أن لا يعود إليه), sadex, waa in laga qoomameeyaa (الندامة ).
Muslimiintu si ay uga tawbad keenaan dambigii ay Allaah iyo naftooda ka galeen kolkii ay aqoonta maadiga la dirireen, caqliga hawlgab ka dhigeen, qawaaniintii koonka hagaysay, ee Allaah yiri ha la eego, ay indhaha ka qarsadeen, waa inay sadex shardi la yimaadaan:

1. Tacliinta maadiga, falsafada iyo sayniska inay xooga saaraan.

2. Inay dib u dhicii h**e ee asaagood ka reebay, kana dhigay buro dunida saa'id ku ah, ka qoomameeyaan.

3. In ay ku talagalaan in aanay mar dambe dib u dhac ka shaqayn, kuna fakarin ee ay horay u socdaan.
Intaa hadii aynaan la imaan, aduunkeenana aynaan qurxin, aakhira qurxoonina nagama horaysee, maca-salaama.

وَمَن كانَ في هذِهِ أَعمى فَهُوَ فِي الآخِرَةِ أَعمى وَأَضَلُّ سَبيلًا

Aayadaha Quraanka ee 6k kabadan, Axkaamta ama Fiq-higa inta ka hadasha waxaa lagu qiyaasaa 500. Halka Quraanka intiisa kale ka hadlo akhlaaqda qofka, akhlaaqda umada iyo akhlaaqda dawlada. Falsafada, furida maanka, kobcinta caqliga, eegida qawaaniinta koonka oo dhamaantood u adeegaya tawxiidka.

وَكَذلِكَ نُري إِبراهيمَ مَلَكوتَ السَّماواتِ وَالأَرضِ وَلِيَكونَ مِنَ الموقِنينَ
Sababta dib udhaceenu ma ahan tawxiid la'aan, salaad la'aan, soon la'aan, xaj la'aan, xijaab la'aan iyo xifdu-Quraan la'aan. Intaasba hodan baanu ku nahay.
لقوم يعقلون.


10/06/2026

Gabadhan yar waxaa lagu magacaabaa: Hala Xasan Leibbad, waxay noqotay qofka keliya ee ka badbaaday qoyskeedii kadib markii duqeymaha Israa’iil ay beegsadeen gurigooda ku yaalla Gaza. Inkastoo ay soo gaareen dhaawacyo iyo gubashooyin jidhka ah. Hadana Hala waxay si joogto ah dadka u weydiinaysaa halka ay joogaan Qoyskeedii. Waxay mar walba raadinaysa hooyadeed iyo aabbaheed.

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address

Hargeisa