LIXLE

LIXLE

Share

31/05/2025

Waan aamusanahay. Waxaan joogaa badda gunteeda. Wehel waxaa iigu dhaw saaxiibkay oo naftu qaarka danbe kasoo baxday, indhihiisuna ay kor u qallacanyihiin, isla jeerkaasna ku jiifa dhabtayda. Ma garanaayo inta aan badda ku jiri doonno. Ma garanaayo inaan noolaan karo anigu iyo in kale. Ma garanaayo inaan markale lahadli doono Hooyaday. Maanta cod aan maqlo waxaan ugu jeclaan lahaa codkii Hooyaday. Umalayn maayo markan in ay ducadii Hooyo i badbaadinayso.

Hubaashii waxaan saaranahay doontii rejada oo isu beddeli doonta doontii halaagga. Ii kaadi aan dib ugu laabanno saxarihii adkaa. Ma garanaysaan inta lafood ee aan soo arkay ee dul daadsanaa bacaadka saxaraha?! Ma qiyaasi kartaan argagaxa ay lahayd gabadh uur lahayd oo socod kari wayday lagana tagay oo halkaas ku nafwayday?Anigu waan AX gabay. Waxba ima cabsi gelinayaan. Waxaan raadinayay jiraalkaygii macnaha lahaa, waxaanse laga yaabaa inaan waayo xitaa jiraalkaygii liitay! Saaxiibkay iminka ayuu dhabtayda ku go'ay.

Waa inaan badda ku tuurno. Ma sidi karno culayskiisa. "Waar isla qabta labadaasoow," waa cod ka yimi kabtanka na wada, oo aniga iyo Jibriil ayaa wada qabannay saaxiibkay. Waxaana ku tuurnay badwaynta. Wuxuu quud unoqon doonaa libaax badeed ama nibiri gaajaysan. Iga raali noqo saaxiib. Ma haysto doorasho kale, waan ku khasbanaa middaas. Waxaa laga yaabaa in anigaba saacado kadib laygu soo tuuro halka aan adiga kugu riday, laygana dhaqaaqo sida aan uga dhaqaaqay maydkaaga ee aan yaxaaska kuugu loogay. Si kasta oo noloshaydu u adkayd markii aan joogay dalkaygii, waxaa kasii adag noloshan aan cagahayga kusoo doontay. Ugu yaraan waddankii waxaa joogtay Hooyo iyo walaashay Hana oo garab ii ahaan lahayd xaalad kasta oo aan ku suganahay.

Si fiican ayaan u xasuustaa inaan wada dhagaysannay habeen caddo ah goor danbe, asxaab badan oo aan dalkii kaga imi heestii Axmad Cali Cigaal ee lahayd:

“Haddaad nolosha qawadaan
Nabad gala ee haajira.”

Waan qawaday noloshayda, dalkayga, dadkayga, iyo xitaa deegaankayga. Ma

14/01/2025

''Aniyo dayaxaa ''
''Is daawan jirnoo,,
''Daruurta cirkaa ,,
''Duruus u ahayd,,

''Degelka caashaqa ,,
''Idegey berigaa,,
''Darajaan u xidhaa,,
''Is dacal taal,,

''Dablaa igu xigey,,
'' Dadaal ka yaqaan,,
''Dalici weynee maxaa duwan,,

''Dastuurka qorey,,
''Daruurta badhkeed,,
'' inay da,dayoo ,,
''Dawaafatey dhulkaa,,

(Comman soon)

(Hal Abuur Lixle)

Want your business to be the top-listed Beauty Salon in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address


Hargeisa