Today Technology

Today Technology

Share

13/03/2025

Waan ku salaamay saaxiib , magacaygu waa Ahmed D Saahid se loo garan ogyahay Guuleed Naaji, reer Hawd Hargeysa ku nool , bartay culuumta kambiyuutarka , xiiseeya xirfada Barograamin (Programing)ka iyo saybar sekuuratiga (Cyper Security), dhisayna barnaamijyo kala gaddisan.
Guuleed ahaan jidka aan aqoon cusub ku kasbadaa waa akhriska ,adiguse waxa laga yaabaa inaad waddo kale wax ku baratid sida daawashada iyo dhagaysiga.
Balse waxaan aaminsanahay in qalinku xambaari karo xog ka badan xogta muuqaal amase maqal lagu gudbin karo.
Intaa ka gadaal, Yaraanta koorsooyin ku baxa luuqada soomaaliga oo la xidhiidha barograamin ka ,yarida macalimiin ku xeeldheer xirfadan , iyo waliba fahanka luuqada ingiriisida oo ku kakan badiba barbaarta soomaalida, intuba waxay ka yeeleen barograamin ka Mid ay kakanaato barashadiisu.

Hubaashii qofka aan luuqada ingiriisida iyo luuqadaha qaangaadhay ee la jaadka ah aqooni wuu ku dhib mudanayaa oo ku dhex anbanayaa barashada barograamin ka , waana mid ka mid ah sababaha ugu mudan ee igu dhaliyay inaan u qumo kitaabkan qoritaankiisa , si saaxiibkayga soohdimaha luuqada soomaaliga aan ka gudbi karin uu xirfadan ugu baran karo afkiisa hooyo.

Ugu danbayn dhalinta waxaan ku bogaadinayaa inay mudnaanta koowaad luuqadooda siiyaan , ruux kastaana aqoontuu ku xeeldheeryahay uu ka dhiteeyo kitaab uu ku qoray luuqadeena hooyo , si jiilasha dambe ugu aayaan jeerkale luuqadeenu u noqoto mid aqoon badan xambaarsan sida luuqadaha dhigeed ah….
Guuleed D Saahid

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Hargeisa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address

AirPort Rood
Hargeisa
0000