PMPF
ALLAHU AKBAR: Togagga Baallade, Warisoor iyo Jaceel ayay ciidamada Difaaca Puntland maanta, si siman uga sifaynayaan khawaariijta ISIS.
Tebiye: Adan Aar
PMPF Telegram Channel 👇🫡
https://t.me/pmpfofficial
12/10/2025
Taliska Guud, Saraakisha iyo Dableyda Ciidanka PMPF waxay shacabka Soomaaliyed ugu hambalyaynayaan maalinta qiimaha badan ee Calankeenna Soomaaliyeed ee Cawaale 12, October.
Ciidanka PMPF mar walba waxay u taaganyihiin difaaca dalka, ilaalinta danaha qarankeenna iyo in shacabka Soomaaliyed, gaar ahaan kuwa Puntland ay mar walba ku naaloodaan xurriyad iyo nabad.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA CIIDANKA PMPF.
03/10/2025
Barakallaah, 03, Oct, 2025: Guutooyinka Ciidamada Difaaca Puntland ayaa maanta Gulufyo xooggan ka fuliyey togga Baallade, gaar ahaan ceelasha Buticiso, Dharinta iyo Barakallaah.
Halgamayaasha dalkooda u huraya naftooda ayaa khawaariijta Daacish kala wareegey ceelasha Dharinta iyo Buticiso oo fadhiisimo muhiim ah u ahaa Argagixisadaasi, iyagoo hadda hawlgallo xooggan ka wada Ceelka Barakallaah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Bosaso