ASAL MEDIA
Netanyahu iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qilaaf cusub uu soo kala dhaxgalay
16/06/2026
Deg Deg
Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvir ayaa baajiyay safar dhinaca qoyskiisa ah oo uu ku tegi lahaa Mareykanka kadib caqabado ka dhashay helitaanka fiisaha wadanka mareekanka, sida ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil.
Safaaradda Mareykanka ee Israa’iil ayaa u sheegtay Ben-Gvir inuu si shaqsi ah in uu u imaado xarunta safaaradda si looga qaado faraha (biometric fingerprints), taas oo qayb ka ah habraaca codsiga fiisaha mareekanka.
16/06/2026
🔴 WAR DEGDEG AH
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in joojinta dagaalka Lubnaan ay tahay shuruud muhiim ah oo lagu soo afjari karo colaadda u dhexeysa wadamada Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah iyo iiraan.
Araghchi ayaa xusay in dagaallada iiraan iyo Lubnaan ay si qoto dheer isugu xiran yihiin, isagoo sheegay in xabbad-joojinta Lubnaan ay tahay qayb aan laga maarmin oo ka mid ah heshiiska nabadeed ee dhowaan la gaaray.
16/06/2026
🔴 WAR DEGDEG AH
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Israa’iil ay sii joogi doonaan wadanka Lubnaan, inkastoo heshiiska nabadeed ee dhowaan dhexmaray Mareykanka iyo iiraan uu sheegaayo in ciidamada Israa’iil Lubnaan isaga baxaan Si heshiiskaas loo dhameystiro.
Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil aysan ka bixi doonin goobaha ay ciidamadeedu ku sugan yihiin, isagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga dalka.
10/06/2026
War Kooban
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, halka 9 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen deegaanka Cleveland, ee bariga Johannesburg fiidnimadii shalay.
Booliiska ayaa sheegay inay bilaabeen baadi-goob lagu raadinayo in ka badan 10 eedeysane oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerarka ka dhacay deegaanka Jumpers Cleveland. Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababta weerarka.
31/05/2026
Deg Deg
Wasiirka arrimaha dibadda iiraan Abbas Araghchi ayaa sheegay in wada-hadallada iyo is dhaafsiga fariimaha ee u dhexeeya iiraan iyo mareekanka ay weli socdaan, balse aysan jirin natiijo rasmi ah oo ilaa hadda la gaaray.
Isagoo la hadlayay telefishinka dowladda Iran, Araghchi wuxuu yiri:
> “Wadahadallada iyo is dhaafsiga fariimaha way socdaan, laakiin ilaa ay kasoo baxaan natiijo cad, lama qiimeyn karo. Wax kasta oo hadda laga sheegayo waa mala-awaal mana mudna in muhiimad weyn la siiyo.”
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar is khilaafsan oo ku saabsan heshiis suurtagal ah oo u dhexeeya Washington iyo Tehran.
31/05/2026
Deg Deg
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa markale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Qaahira ay la garab taagan tahay dowladda Lubnaan, isagoo ku baaqay in Israa’iil si buuxda uga baxdo dhulka Lubnaan.
Hadalkan ayuu sheegay mar uu khadka taleefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam,
30/05/2026
Deg Deg
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 15 carruur ah lagu dilay, halka 62 kale ay ku dhaawacmeen dalka Lebanon toddobadii maalmood ee lasoo dhaafay,
iyadoo Israel ay sii waddo duqeymaha cirka inkastoo uu jiro heshiis xabbad-joojin ah oo lagu soo afjarayay dagaalka u dhexeeya labada dhinac.
28/05/2026
Deg Deg
Booliiska xuduudaha Koonfur Afrika ayaa qabtay gaari xamuul ah oo ka yimid Malawi kaas oo waday daroogo lagu qiimeeyay ku dhowaad hal bilyan oo rand, una dhiganta 61 milyan oo dollar.
Saraakiisha ayaa sheegay in gaariga lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu dalka soo galo, waxaana socda baaritaanno la xiriira kiiska iyo cidii lahaydba.
28/05/2026
Deg Deg
Jonathan Pollard oo ah basaas h**e oo u dhashay Mareykanka laakiin taageersan Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil laga yaabo inay mustaqbalka wajahdo dagaallo cusub oo ka dhan ah Masar iyo Turkiga kadib xiisadda iiraan.
Isagoo la hadlayay warbaahinta Arutz Sheva, Pollard wuxuu sheegay in dagaal lala galo Turkiga uusan sahlaneyn sida kii iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax war rasmi ah oo muujinaya in dowladda Israa’iil qorsheyneyso weerar ka dhan ah Masar ama Turkiga.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Nairobi