AXM Page
09/12/2023
Aabbonimadu waa deeq
Daayinkeenna dabadii
Dumarkeennu bixiyaan.
Waa dareen kal deristaa
Naxariis dambarisoo,
Derejada masuulkiyo
Waa damal barbaariya
Ubad nolosha door ku le
Aabbonimadu waa dookh
Labka qaar daneeyaan,
Darna ay dantoodiyo
Wax dhal uun ka doortaan.
Ma baxo geed xidid lahayni
Xareedi udgoon ma waydo.
Markuu dayax xero golaysto
Xiddigo nuurkood ma muuqdo.
Daruuri haddayna xiimin
Abaar xamil kuma magoolo.
Haddii uuna xadhig qaloocin
Awr xanankii ma qaadi waayo.
Haddaan geesigu xanuunsan
Balaayo xiskii ma doono.
Haddaan xarakaad la raacin
Xamaasadi guul ma keento.
Xad-gudubkuu beri sameeyay
Xasuusta kaskii ma liito
Xubnaa talo laga galaaye
Aniga xaal kuma hagaago.
Xayaabo hal gebi ka laacday
Jar dheer k**a xoormi waydo.
Bulshada is xaqdhawri wayda
Cid kale sharaf kuma xurmayso.
Haddaan xeer lagu dhaqmaynin
Xoolaha lama qiimo dhaamo.
Nimay xadantayni godobi
Walaal ma xidhiidhin doono.
Masuuliyad ruux xambaaray
Xajiin iyo eed ma waayo.
Walow ay xawxaw tidhaahdo
Xigtu xoox lama sinnaato.
Markaad tahay xoolo-mooge
Xaynkaa ma madhnaani waayo.
Nin dhiilkiisa xoor ka muuqan
Dhawaaqiisu xoog ma yeesho.
Ninkii libin xaasidaayi
Laakiinta ma xoojin waayo.
Nimay xaqireen dadkiisu
Xanjaadka ilaalin maayo.
Nimuu xaadiray wedkiisu
Xirsigu k**a baajo geeri.
Nin tiisa xalkeeda waayay
Cid kale ma xasiliyo tooda.
Xabaasha qofkii illooba
Darxumo inuu ku xarragoodo
Xakamo ka xajaa ma soohna.
Xigtayn ninka meel ku gaadhay
Xirfado ninka la ag yimaadda
Xinjoof ma necbaani waayo.
Dhurwaa xii iyo waraabe
Haddii xoolo uu ku deyni
Gaajaa kaga xaabi layde
Qof ceebtu xiraad u hayso
Xishoo ninka kula dedaali
Iskii uma xiiqi waayo.
Haddaan la xadayn awoodda
Xooggeeda la qaybin waayo
Inay xagal-daacdo daaye
Xawaaraheed meel ma gaadho.
Haddaan Alle laga xishoonin
La dhawrin xuduudihiisa
Xariir goba lama ahaado.
Xigaalo markuu is-laayo
U xaydxayto belo xasuuqda
Xafaajiga la hunbuqleeyo
Xinjiro dhiigle iska daadsho
Hadday xaynta kale bahdiisu
Xambaarayso toban dharaaro
In uu ka xumaado daaye
Ninkii xilkas ahi ma dhaato.
Nimaan xog-ogaal ahayni
Xaajada isagoon ka fiirsan
Is moogi hadduu ku xeersho
Indhaha ka xog xaalka daahan.
Abwan Af-gudhiye
01/10/2022
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Jijiga
12