Cilmi Tv
03/08/2021
SIFAN HASEN "ILAA OROMIYA XOROWDO ITOOBIYA TARTAN KU MATALI MAHAYO".
Gadhan waxaa lagu magacaaba Sifan Hassen,waxay shalay ku guulastay tartanka orodka ee 5,000,iyadoo matalaysa dalka Holand. Waxay daqiiqadihii u dambeeyay ka adkaatay gabdhihii matalayay dalka Itoobiya.Sifan Hasen dhalasho ahaan waxay kasoo jeedaa dalka Itoobiya.
Xili aan sii fogayn oo arimaha Itoobiya BBC-du ka waraysatay ayay ku jawabtay sidan;
"Way jiraan dad iga codsaday inaan Itoobiya tartamada orodka ku matalo.Aniguse waligey ma rabin inaan u tartamo Itoobiya,ilaa Oromiya laga xoreeyo mooye."
03/08/2021
Waxaa bilaabatay in lasoo saaro ardaydii dhiganaysay Magallada Axum ee Deeganka Tigreega.Kala badh ardaydii jaamacadan dhiganaysay ayaa maalintii shalay soo gaadhay Semera[Canfarta]. Ardayda dhiganaysay Jaamacadan ee meelaha kale ka yimid ayaa gaadhaysay 3500 arday.Waxana hada soo baxay qayb kamid ah oo Jaamacada Semera soo gaadhay.
02/08/2021
Seyoum Teshome oo kamid ah dadka siyasada Itoobiya fallanqeya oo ka hadlayay qorshaha ree galbeedka ayaa yidhi:-
"Abiye Ahmed ma inay maxkamada adunka ka dacweyan ayay rabaan? Jawbtu waa Haa? Ma awoodaan inay dacweeyan? Jawabtu waa haa? Caddaymo ay ku dacweyan ma hayaan? Jawabtu waa haa."
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Website
Address
Addis Ababa
CILMITV