Farhan A/Rahman

Farhan A/Rahman

Share

07/07/2026

xaqiq jirto waye waxan waa in wax laga qabta

Xafiiska Caafimadka DDS.

Shalay waxaan ka hadalnay dhaliil wayn oo dul hogganaysa xafiiska Caafimadka. Waxaan xusnay in warshadii dhannayd ee Naqaska-Oxegenta ee Jigjiga ay sannad iyo dheerad xidhan tahay. Waxaan baahinay oo la hubaa in qandaraaslihii warshada dhisay uu markuu dhammeeyay isaguna midkale ka dhistay Shiniile. Waxaa shaqeeysa xarruntisii gaarka ahayd, midii dadka ka dhaxaysayna way fadhida. Qalabka ay u fadhido waxaa keeni karta un warshada laga soo iibiyay oo German- ah, warshadaas isagaa wakiil u ah, cid aan isaga ahayn ma keeni karto. Warshadii dhannayd ee 200 xabo soo saaraysay siddaasay ku fadhidaa.

Dad badan oo waxaa jira masuulka xilka ummada u haya ku difaacaha kooxaysi- hayb. Intaaso sanno ayuu jooga, annagu ma xidhiidhno, ma naqaano, danna nagama soo galin ee hawl bulsho oo aan laga aamusi karin ayaa muuqata. Xukuumada madaxwaynaha ayaa sannad walba la dhaliila, ilaa Mayorka u hooseya ee Jigjiga, ma cidbaa dhahda qabiilba loo jeeda? Xil ummadeed sow ma qaadin masuulkan?

Arrintan mid ka darran ayaa jirta. Xarruntta kelyaha sifeysa ee Jigjiga ganacsade ayaa dhisay. Isagaa qalabeeyay. Wuxuu sannad walba u dhaqaa kelyaha 35 qof. Dadka guud ee xarruntu Kelyaha u dhiqo karto-awoodo waa 80 qof. Xafiiska Caafimadku 20Milyan ayuu ku kabaa sannadka. 50Milyan Referalka ku kaba. Dadka kale ganacsadaha u dhaqa. 80 qof ka badan ma awood, dadka kale Deegannada kale ayay tagaan.

Ganacsadihii noocas ahaa xarruun labaad ayuu dhisay. Xarruuntii wuu qalabeeyay. Kaliya waxaa ka dhiman 10 mashiin oo min laba milyan ah, iyo miisanniyad 70 Milyan ah oo sannadkii ku shaqayso. Hadii intaas loo qabto sannadkasta xarrunta labaad 80 qof oo kale ayay u dhaqi lahayd Kelyaha. Waxaa laga baaqsan lahaa dadka hada Diridhaba taga, kuwa Harar u doonta Kelyaha la dhaqo, kuwa AdisAbaba jiifa.
Qof dhan oo aan kaadi ka imanayn ilaa maalin dhaaf 6000 Bir loogu dhaqo bal suure? Xafiiska Caafimadku ma wuxuu awoodi waayay lacagaha Bileynska ah ee uu maamulo uu 80 Milyan uga qabto xarrunta labaad?

Xarruntii labaad ee ganacsaduhu dhisay laba sanno kahor ayaa xadhiga laga jaray, hadana ma shaqayso.

Hawlo badan oo ah kuwii aasaasiga ahaa ayaa dayacan- meeshana siyaasad ma taallo, qabiil lagama hadlayo masuul xil ummaded haya ayaa la dhaliilaya. Kaliya qiimaya xogtaan ka qornay, hadii xarruntii fadhin ma fadhido dhaha, hadii aysan shaqsi ku xidhnayn kuma xidhna dhaha! Hadii Xarrun Kelyo 2 sanno bilaa qalab aysan ahayn ma aha dhaha oo beeniya..

Ka jawaab su'aasha miyuu dhihi jiray.

06/06/2026

Madaxweynaha Slovenia ayaa qasriga Madaxtooyada ka taagtay calanka F-lastiin, waxay sheegtay in halkaa uu hal todobaad ka taagnaan doono kadibna gudaha qasriga laga taagi doono.

Madaxweynaha Slovenia ayaa tidhi "Xasuuqa ka dhanka ah F-lastiiniyiinta weli ma uusan joogsan, dadka ku sugan marinka Q/--sa iyo daanta galbeed kuma noola nabad iyo sharaf."

Dowlada Slovenia ayaa 4-ta bishii June, 2024 aqoonsatey dowlada F-lastiin, iyadoo kamid noqotey dalalka reer Yurub ee xiligaas qaaday talaabada ay ku aqoonsanayaan dowlada F-lastiin.

06/06/2026

next five yrs

Want your business to be the top-listed Advertising & Marketing Company in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Website

Address


Addis Ababa
5