Khadar Awjamac

Khadar Awjamac

Share

Photos from Khadar Awjamac's post 29/04/2026

hambalyo hambalyo ahmed maxamed aadan iyo marwada asiya cabdi guure alle ha ka dhigo laamanihii nolosha ku barwaaqooba

Photos from Khadar Awjamac's post 11/04/2026

waxaa saaka dhamaan
xarumaha caafimaadka ee degmada
daror ka bilaabmay
baadi_goobka nafaqadarada hooyada dhalaanka
waxaana ku lamaan adeega_ dewarming and vitamin A

Photos from Khadar Awjamac's post 10/04/2026

Cusbitaalka Guud ee Gaashamo ayaa ku wareejiyay xarunta caafimaadka qalabkii iyo daawooyinkii block daroor iyo shaqaale loo tababaray, kuwaas oo mudooyinkii u dambeeyay tabarbarka ku qaadanayay cusbitaalka gashamo.
xarunta ayaa fulin doonta qaliinada aan caadi ah u dhali karin taas oo hada si toos ah u bilawday shaqada.

08/02/2026

Waxyaabahaad xumada aan badnayn aad kula tacaali karto guriga waxa ka mid ah:

- U xidh dhar fudud oo ha u galin dhar adag oo sii diiriya ilmaha.

- Sii biyo ku filan; xiligan ay xumadu hayso ilmaha waxa ku dhici kara fuuq-bax.

-Paracetamol waa xanuun baa’biiye wanaagsan, xumadana ka jabin karta ilmaha. Balse, hadii ay xumadiisu ay aad iskugu dhawdahay dawaduna kuu shaqayn wayday, ha ku hayn guriga ee h**e u gee xarumaha caafimaadka.

- Tuwaal qoyan jidhka u marmari kadib markaad Baarasitimoosha siiso. Biyuhu waa inaanay baraf noqon, waalidka qaar biyo baraf leh bay ilmaha tuwaal u galiyaan. Waa inay noqdaan dhexdhexaad oo aan aad u qaboobayn kululayna. Waxaanad jidhka u marmarin kartaa 15-20 daqiiqo.

-Markay carruurtu xumad leeyihiin, ha u dirin dugsiga. Markaad ku celinayso iskuulka, waa inay muddo 24 saacadood ah aan xumad qaban. Xumadu waxay ka dhigi kartaa qaar bilaa awooda, fuuq baxsan, gaajoonaya, taasoo adkayn karta inay joogaan fasaladooda. Waxa laga yaabaa in ilmuhu leeyahay waxyaabo la is qaadsiiyo sida jadeeco iwm, waxaany keeni karta in uu dugsiga ku faafo xanuunku! Markaa sug intay xumadu ka maqnaanayso muddo 24 saac ah!

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Website

Address

Addis Ababa