Akhi Mahbub
14/04/2025
Saameynta Dagaalka Ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha ku leeyahay Dhaqaalaha Adduunka
1. Xaaladda Hadda:
Mareykanka iyo Shiinaha ayaa is dhaafsaday canshuuro ganacsi oo aad u sarreeya (125%), taas oo sare u qaaday qiimaha badeecooyinka la kala iibsado.
2. Ganacsiga u dhexeeya labada dal:
Ganacsiga guud sanadkii h**e wuxuu gaaray $585 bilyan.
Mareykanka wuxuu ka soo dejiyey Shiinaha: $440 bilyan.
Shiinaha wuxuu ka soo dejiyey Mareykanka: $145 bilyan.
Khasaare ganacsi oo uu Mareykanku la kulmay: $295 bilyan (u dhiganta 1% GDP-ga Mareykanka).
3. Saameynta Canshuuraha Cusub:
Badeecooyinka laga keeno Shiinaha waxay noqonayaan kuwo aad qaali u ah dadka Mareykanka.
Sidoo kale, badeecooyinka Mareykanka u dhoofiyo Shiinaha ayaa noqonaya kuwo qaali ah dadka Shiinaha.
4. Tallaabooyin Kale oo Dhaqaale:
Shiinaha wuxuu xakameyn karaa biraha muhiimka u ah warshadaha sida copper, lithium, germanium, iwm.
Mareykanka wuxuu sii adkeyn karaa xannibaadda tignoolajiyada sida microchips, gaar ahaan kuwa AI-da u adeega.
5. Saameynta Caalamiga ah:
Dhaqaalaha adduunka wuu hoos u dhici karaa ilaa 1.7% haddii xaaladda dagaalka ganacsi ay sii socoto.
Suuqyada saamiyada caalamka waxay durba bilaabeen hoos u dhac.
Shirkado waaweyn sida Apple, Tesla, iyo Nvidia ayaa wajahaya cadaadis weyn oo suuqeed.
Gunaanad:
Dagaalkan ganacsi wuxuu sababi karaa hoos u dhac dhaqaale oo caalami ah, saameynta shaqo la’aan, hoos u dhac maalgashi, iyo khataro dhaqaale oo cusub.
Be smart not hardwork😶
12/03/2025
Hadafka Nolosha: Iftiinka Jidkaaga
Sidee Loo Helaa Hadafka Nolosha?
Hadafku wuxuu ka bilowdaa is-barasho – ogow waxa aad jeceshahay, waxa aad ku fiicantahay, iyo waxa aad ka damacsan tahay mustaqbalkaaga. Ha oggolaan in cabsida ama fikirka dadka kale ay kaa hor istaagaan riyadaada. Halkii aad nolosha ku qaadan lahayd raadinta wax aan macno lahayn, u jeeso dhanka yoolal waxtar leh oo horumarinaya naftaada iyo bulshadaada.
Qorshee noloshaada sida aad rabto in ay noqoto. Haddii aad rabto inaad noqoto dhakhtar, saynisyahan, ganacsade, ama qof bulshadiisa wax weyn u tara – hadda bilow! Talaabo yar oo aad maanta qaaddo, waxay noqon kartaa mid noloshaada si weyn u beddesha.
Guushu maaha mid timaada hal mar, waa mid lagu gaadho dulqaad, dadaal, iyo samir. Mararka qaar, jidku wuu adkaan karaa, caqabado ayaa imaan kara, balse xasuusnow: qofka guulaysta maaha kii aan dhicin, waa kii mar walba dib u kaca oo socodkiisa sii wataa.
Hadafka noloshaadu ha noqdo mid iftiiminaya jidkaaga, kuu keenaya farxad, oo wax ka beddelaya adduunkaaga. Maanta bilow, oo ku tallaabsado safarkaaga guusha!
Akhi Mahbub
🫡
Click here to claim your Sponsored Listing.